Arturo Vidal

Kooxda Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan Arturo Vidal inuu u marayo tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan si rasmi ah uga soo wareegin kooxda Bayer Leverkusen.

Maalintii arbacada Vidal waxa uu sheegay inuu isha ku sii hayo inuu ku biiro kooxda Talyaaniga, inkastoo Bayern Munich ay ku eedeyneysay inuu balanta uga baxay.

Warbixin qoraal ah oo la soo dhigay website-ka Juve ayaa lagu yiri:

“Arturo Vidal waxa uu joogaa Turin. Waxa uu ka yimid Chile khamiistii, maanta ayuuna tijaabada caafimaadka u marayaa kooxda”

Faahfaahin ku saabsan heshiiska ciyaaryahanka ayay labada kooxba ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Lakiin warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in Juve ay siineyso Leverkusen 10.5 milyan euro taasoo kor u kici karta ilaa 12 milyan euro.

ilaa 30% lacagtaasi waxaa la siin doonaa kooxdii hore ee Vidal ee dalka Chile oo la yiraahdo Colo Colo.

24 jirkaan khadka dhexe ayaa la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiis shan sanno ah isagoo qaadan doona sannadkii 3 milyan euro.