Bojan Krkic

Kooxda Barcelona ayaa ogolaatay inay ka iibiso Bojan Krkic kooxda AS Rosa lacag 12 milyan euro ah, lakiin waxa ay dib u soo iibsan karaan labo sanno ka dib, sida ay sheegtay kooxda reer Spain.

Qodobada ku qoran heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in kooxda heysata La Liga iyo Champions League inay ciyaaryahanka dib u soo iibsan karaan dhamaadka xilli ciyaareedka 2012-13 lacagta ay ku soo iibsan karaana waa 13 milyan euro, sidaasi waxaa lagu sheegay website-ka Barcelona.

Hadii ay Roma isku daydo inay Barcelona ka horistaagto inay dib u iibsato Bojan markaas Roma waxa ay bixin doontaa 40 milyan euro oo ah gabi ahan heshiiska ciyaaryahanka.

Bojan ayaa koobab dhowr ah la qaaday kooxda Barca seddexdii xilli ciyaareed ee u danbeysay, lakiin ma uusan heysan boos joogta ah waxaana waqtiga intiisa badan uu fadhiyay kursiga keydka.

Waxa uu ku biiri doonaa kooxda uu tababaraha ka yahay ciyaaryahankii hore ee Barcelona Luis Enrique