park ji sung

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Park Ji-Sung ayaa loo soo bandigay heshiis labo sanno oo qadaraaska loogu kordhinayo sida uu xaqiijiyay tababare Sir Alex Ferguson.

Ciyaaryahanka South Korea ayaa qandariiskiisa haatan waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxaana jiray warar la isla dhexmarayay oo tibaaxayay in 30 jirkaasi laga yaabo inuu ka tago kooxda.

Si kastaba, haatan waxa ay u muuqataa in Park uu sii joogi doono kooxda heysata horyaalka Ingariiska.

Tababare Sir Alex Ferguson oo la hadlayay sufiyiinta oo ku aadan socdaalkooda Mareykanka ayaa sheegay:

“Waxaa loo soo bandigay heshiis cusub, haa waa sax. Waan hubaa inuu saxiixi doono. Mustabalkiisa United waxa uu ahaa mid aad u heer sareeya”

“Waan hubaa inuu aqbali doono heshiiska cusub, isla markaana uu kooxda la sii joogi doono labada sanno ee soo socota” ayuu hadalkiisa raaciyay SAF