Aguero

Xiddiga kooxda Atletico Madrid iyo Argentina Sergio Aguero ayaa tagay magaalada Manchester isagoo tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Manchester City, heshiis la sheegay inuu ku dhow yahay 40 milyan oo ginni.

23 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis shan sanno ah, ka dib markii ay heshiis gaareen Atletico iyo City.

Aguero ayaa goor dhow waxa uu ku qoray boggiisa Twitter:

“Haatan ayaan imid Manchester si aan u dhameystiro heshiiska City Wax walba si fiican ayay ku socdaan”

City ayaa ciyaaryahanka tijaabada caafimaadka marsiineysa waxaana lagu sawiray isagoo ay la socdaan mas’uuliyiin Manchester City ah

Kooxda Roberto Mancini ayaa ogolaatay inay bixiso lacagtii lagu burburin lahaa heshiiska ciyaaryahanka, waxaana uu qarka u saaran yahay in Sergio Aguero uu noqdo ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisan kala iibsiga suuqa Ingariiska ka dib markii Chelsea ay bishii Janaayo 50 milyan oo ginni ku iibsatay Fernando Torres