David Gill

Agaasimaha guud ee Manchester United David Gill ayaa xaqiijiyay in kooxda ay dooneysa inay keento hal ciyaaryahan kale oo qatar xagaagan. Xilli maalmo ka hor Sir Alex Ferguson uu sheegay inay u badan tahay inaysan ciyaaryahan kale soo iibsan doonin madaama ciyaaryahankii ay doonayeen uusan suuqa saarneyn

Kooxda Red Devils ayaa aad uga dhex muuqatay xagaagan suuqa kala iibisga, iyagoo soo iibsaday David de Gea oo ay ku bedeleen Edwin van der Sar, sidoo kale waxa ay soo iibsadeen Ashley Young iyo Phil Jones

Lakiin madaxa Old Trafford ayaa taageerayaasha ugu qalbi qaboojiyay in kooxda heysata horyaalka Ingariiska inay weli ka muuqan doonaan suuqa ilaa inta uu ka xirmayo bisha danbe

“Waxaan la soo wareegnay seddex ciyaaryahan Waxaa raadineynaa hal ciyaaryahan kale oo aan keeno” ayuu David Gill u sheegay MUTV

“Haatan wax dhacayo ma lahan, ma jiraan wax soo dhow xilligan la joogo, lakiin waan arki doonaa waxa dhaca marka aan dalka ku laabano” ayuu hadalkiisa raaciyay

“Waxaa noo haray weli 31 maalmood oo aan ku arki karno hadii ay wax dhacayaan. Lakiin haatan ma jiraan heshiis aan ka shaqeynayo”

Gill ayaa shaaca ka qaaday in Ferguson uu doonayo inuu xoojiyo hal boos, iyadoo si aad ah loo hadal haayo inuu doonayo kubadsameeye buuxiya booskii uu ka fariistay Paul Scholes.

Laacibka Arsenal Samir Nasri iyo kan Tottenham Luka Modric ayaa labadoodaba lala xiriiriyay United, halka wali mustaqbalka laacibka Inter Milan Wesley Sneijder laga hadlayo.

Iyadoo Gill uusan carabaabin ciyaartoyda ay xiiseynayaan hadana waxa uu sheegay in United ay dooneyso ciyaaryahan heer sarre ah.

“Waxaan aad u fiirineynaa hal boos, lakiin ma jiraan wax sugan haatan”

“Qodobka muhimka ah ee loo baahan yahay in la fahmo, Alex-na uu cadeeyay ayaa ah in aan u baahanahay inaan xoojino awooda kooxda”

“Waxaan heysanaa koox weyn, inaad ku biirto kooxdaasna waxaad u baahan tahay inaad noqoto ciyaaryahan sarre Wax micno ah ma sameyneyso hadii aadan heli karin ciyaaryahanka aad u baahan tahay inaad suuqa gasho oo aad iska soo iibsato ciyaaryahan adigoo ka fiirinaya in wax la iibsado kaliya”

“Halkaan uma fadhiyo inaan iraahdo heshiis gaar ah ayan ka shaqeynayaa sababtoo kama shaqeynayo, lakiin xaalada waa ay isbedeli karata marka aan ku laabano Carrington” ayuu hadalkiisa ku koobay.