Chicharito

Xiddiga naadiga Manchester united iyo xulka dalka Mexico Xavi Hernandez (chicharito) ayaa garoomada kamaqnaan doona kudhadhawaad saddex usbuuc.

Chicharito oo dhaawac soo gaadhey kadib markii ay naadiga manchester united ay laciyaarayeen ciyaar saaxiibtinimo ah naadiga chicago ee kadhisan dalka maraykanka.

Dhaawacan soo gaadhey ciyaartoygan Chicharito ayaa ah dawaakhaad xagga maskaxda taasoo ku dhacdey kadib markii ay isgaleen ciyaartoy kamida naadiga Chicago

Kadib markii ay dhacdadaasi dhacdey ayaa chicharito waxa loola cararey  dhakhtar kaas oo caddeeyey in dhaawaca soo gaadhey chicharito aanu sidaa usii weyneen, waxaa kaloo uu dhakhtarku sheegey in uu maqnaan doono  laba usbuuc ilaa saddex usbuux inta udhaxaysa, si uu nasto oo u raaxeysto.

Chicharito oo xulkiisa uso qaadey cupka badhtamaha iyo waqooyiga maraykanka ayaa waxa uu waayadan danbe noqdey xiddiga premier league iyo qaaradda Maraykanka.