Gervinho Arsenal

Ciyaartoyga cusub ee kusoo biirey kooxda arsenal gervinho ayaa sheegey in uu rabo in uu qaado wadadii henry oo kale si uu noqdo Henry Cusub, waxa kaloo uu sheegey in naadiga arsenal uu wax kasta laqaban doono si ay naadigu ugu soo noqdo guulihii lagu yaqaaney.

Naadiga Arsenal oo koob ugu danbeeyey 2005 kadib markii uu patrick vieira laqaadey FA cup, kana qaadeen naadiga manchester united.

Ciyaaryahanka oo uciyaari jirey naadiga lille una dhashey wadanka Ivory Coast ayaa daaha ka qaadey in uu noqdo ciyaaryahanka ay ku dhaartaan taageerayaasha arsenal gaadhana bartii uu gaadhey xiddigii naadiga arsenal theirry henry

Ciyaaryahanka oo dhaliyey laba goal ciyaartiisii ugu horreysey ee uu usafto naadiga arsenal ciyaartaas oo ay 2-1 kaga adkaadeen naadiga FC Koln ee kadhisan dalka germany

Waxa kaloo uu hadalkiisa ku sii daray “waan ogahay in premier league uu ka adagyahay league faro badan oo kajira dunida, sidaa daraadeed waxaan isku dayaa in aan hore ula qabsado jawiga premier league kadib intaas waxaa rajaynayaa in waxkastaa ay noqo doonaan sidii loo baahnaa, waxaan kaloo ku rajo waynahay In naadiga arsenal ay dib usoo cesheto sumcadii ay ku lahayd caalamka iyo premier league”

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in uu diyaar uyahay meel kasta oo layidhaahdo kaciyaar haddii ay noqoto weerer caadiya ama baal.

Waxa uu hadalkiisana kusoo gabagabeeyey  “ waxa qudha ee muhiimadda hadda ii lehi waxa weeye, waa in aan noqdaa Henry Cusub ee naadiga arsenal, waxaan kaloo idiin sheegi lahaa in aan aad ugu faraxsanahay in aan kamid noqdo ciyaaryahannada uu tobabaro tobabaraha adduunka ugu wanagsan Arsene Wenger”