Maqaal Xiiso Leh

Qalinkii: Faysal Ismaciil   Barre
Ugu horayn waxaan salaamayaa dhamaan Umadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Reer Somaliland waxaana leeyahay Rabadaan kariim Ilaahay ha inaga aqbalo Acmaasha bisha barakaysan intaasi kadib

Iyadoo aad kolka horeba arkayso in kaSomalilandhaan aynu u nugulahay kana indho qarsano soo galootiga dalkan ku jooga nidaamka

Sharci darada ahoo aanay jirin cid ka war haysa Shaqooyinka ay ka wadaan dalka siday doonaana ay ka yeelaan ugan fushadaan rabitaankooda gaar ahaan Itoobiyaanka oo aad moodo in ay kaga mudan yahiin Muwaadiniinta reer Soamalind dalka hooyo dhinac kaste ood ka eegtaba arintaasina ay tahay mid khatar ku ah mustaqbalka dalkan iyo dadkiisaba una muuqato sid cad oon la dafirikarin

Sikastaba ha ahaatoe hadii aynu u soo noqono dulucda iyo ujeedada mawduuceena sida aynu la wada socono waxaa jirta akhriste college-yo badan oo ay leeyihiin Itoobiyaanku kana furan Caasimada Somaliland ee Hargaysa oo sita waxa u eeg  Magacyo Jaamacadeed isla markaasina ay maamulaan Masuuliyiin badankoodu  ka soo jeedaan wadanka Itoobiya kuwaasi  oo u muuqda in ay u soo tafa xayteen sidii ay mustaqbalka uga lumin lahaayeen ardayda reer Somalialand ee-ay dufuuftu ku khasabtay miciinka mooday in ay waxa barasho u doontaan Colege-yadaa kor ku xusan waxaana maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa dareen murugo leh oo ka turjumaaya dhibaatada iyo bahdilka!ay Maclimiinta tayada xun ee xabashidu kula kacaan ardayda reer Somaliland iyo hagar daamadaay balaadhan ee ay sida joogtada ah ugu hayaan

 

Waa niman soo shaqo tagay kuna dadaalaay sidii ay Lacag inooga urursan lahaayeen oo kali ah balse ma laha aqoon Waxbarasho iyo xirfad Macalinimo toona runtiina waxay ka faa,iidaysanayaan tayo xumada iyo taag darada dawladeena sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ha ardayda dhigata insitute-ka Admas waxaanu yidhi waxaa ka mid ah nimankaasi ama ku jira Macalimiin ku sheeg si gaar ah u faafiya diinta kiristaanka iyo dhaqan xumo aanu eegan karin damiirka fayoobi A-A-Max’ud isna waa wiil dhalin yaro ah oo dhigta institute Itoobiyaanka ee aynu kor ku soo xusnay laguna maaweeliyo in uu barto Faculty ama qaybt It-ga waxaanu ka sheekeeyay isagoo aad uga murugaysan mustaqablka ardayda reer Somaliland ee ay Itoobiyaanku ka urursadaan kharashka yar ee ay u soo diraan eheladooda qurbe jooga ahai waxaanu aad ugu dheeraaday dhibaatada ay ku hayaan  Macalimiin Itoobiyaanka een khibrad badn lahayni

 

Si kastaba ha ahaatoe maaha arin lagu soo koobi karo qalin waxaana muuqata dhinaca kale in aanay xukuumadu ka war haynin dana aanay ka lahayn mustaqbalka wax-barasho ee dhalinyarada u soo baxaysa dalka oo ha Madaxdii berito iyo waaga soo ifaaya ee uu dalkani leeyahay gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada ayaa u muuqata in ay ka gaabisay hawshii loo igmaday ee qaranka ay ugu xilsaarnayd waxaanay  ka indho qarsanaysaa duruufaha qalafsan ee ku xeeran ardayda reer Somaliland ee Waxbarashada u doonatay Isguuladaas xabashida ee Hargaysa ku yaala

 

Gabagabadii waxaan ku soo koobi lahaa College-yada Itoobiyaanku ma dhigaan Tacliin balse waxa cad in ay leeyihiin u jeedo ka durugsan in ay wax baraan dhalinta reer Somaliland waan arin u baahan in W/waxbarashadu ay ku baraarugto si deg-deg ahna wax uga qabato hadii kale god maday ayuu ku dhici doon aa mustaqbalka dalkan ee kolk ahreba liitay