Dejan Stankovic

Inter ayaa ka walwalsan dhaawac ka hor koobka Super Coppa Italiana ka dib markii Dejan Stankovic laga saaray tababarkii maanta.

Kooxda Nerazzurri ayaa maanta qeyb ka mid ah tababar ku qaadatay garoonka Bird Nest ee magaalada Beijing ee dalka China, halkaasoo ciyaar diyaargarow ah ay ku ciyaarayeen.

Si kastaba, ciyaaryahanka khadka dhexe Stankovic ayaa lagu qasbay inuu isaga baxo garoonka ka dib markii jilibka uu dhaawac ka soo gaaray.

Xaaladiisa ayaa waxaa qiimeyn doona shaqaalaha caafimaadka ka hor kulanka sabtida ee ay Inter la ciyaari doonto AC Milan.