Champions League

Kooxda Arsenal ayaa kulan adag qoorta loo geliyay isku aadka Champions League play-offs iyadoo ka hortagi doona kooxda Serie A ka dhisan ee Udinese si ay u gaaraan wareega group-yada ee Champions League

Kooxda Gunners ayaa lagu qabsay inay ciyaarto isreebreebka Champions League ka dib markii ay kaalinta afaraad ku dhameysatay xilli ciyaareedkii hore horyaalka Ingariiska waxaana haatan ay la kulmeysa Udinese

Udinese ayaa kaalinta afaraad ku dhameysatay Serie A xilli ciyaareedkii hore, inkastoo ay iska iibiyeen xiddigooda Alexis Sanchez, Gokhan Inler iyo Cristian Zapata hadana weli waxa ay yihiin koox halis ah.

Arsenal ayaa sidoo kale waxa ay ku aadi laheyd FC Zurich, FC Twente, Odense ama Rubin Kazan, waxaana ay ku faraxsan yihiin inay ka fogaadeen safarka dheer ee dalka Ruushka.

Gunners oo ciyaaraha Play-offs inta badan ku soo guuleysata ayaa kulanka ugu horeeya ee lugta hore ku ciyaari doonta gurigeeda 16ka ama 17ka August, Lugta labaad waxa ay dhici doontaa 23 ama 24ka bisha August

Waxaa isku aadkan loo kala qeybiyay kooxaha ku guuleysaty horyaalka dalkooda oo loo yaqaano Champions Route balse aan si toos ah Champions League u imaan karin iyo kuwa aan ku guuleysan ee loo yaqaano League Route.

Isku aadkan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta UEFA ee Nyon ee dalka Switzerland  — click sii more —

CHAMPIONS ROUTE: 

Wisla Krakow v APOEL

Maccabi Haifa v Genk

Dinamo Zagreb v Malmo

FC Copengahen v Vikroia Plzen

BATE Borisov v Sturm Graz

LEAGUE ROUTE: 

Odense v Villarreal

FC Twente v Benfica

Arsenal v Udinese

Bayern Munich v FC Zurich

Lyon v Rubin Kazan