Sergio Kun Aguero Manchester city

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee ay dhowaan la soo wareegtay Sergio Aguero ayaa shaki la gelinayaa in uu ka mid noqdo ciyaaryahanada ay kooxda  ku soo bilaabi doonto garoonka ciyaarta ay maalinta Axadda la yeelanayso kooxda kale ee xifaaltanku kala dhexeeyo isku magaaladana ay ka dhisan yihiin ee Manchester United.

Gooldhaliyahan reer  Argentina oo kooxda Man City kula soo wareegtay  £35million ayaa ka dhaawacan cagta waxana uu awoodi waayay in  tababarka kooxda uu ka qeybgalo.

Sida ay daabacday The Sun, weeraryahankii hore ee kooxda Atletico Madrid ayaa ka mid noqon doona ciyaartoyda fadhida kursiga keydka.

Ciyaaryahanka kale ee ay isku wadankan ka soo jeedaan ee Carlos Teves,oo weli raadinaya in uu isaga tago kooxda ku dheesha garoonka Etihad Stadium ayaa weli fasax ku maqan isagoo fasaxiisuna uu ku eg yahay maalinta Isniinta,

Tababare Roberto Mancini ayaa waxaa qasab ku noqoneysa in uu weeraryahanada Mario Balotelli iyo Edin Dzeko uu garoonka Wembley uu la shir tago.

Man City ayaa kaga badisey garoonka Wembley kooxda Man United ciyaar Semi Final ahayd oo loogu tartamayay koobka FA-ga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taasoo markii dambe u suurtogelisey kooxda Man City in ay ku guuleysato koobkaas kadib 35sano oo aysan wax koobab ah kooxdu kor u qaadin.