Sergio Canales

Kooxda Valencia ayaa xaqiijisay saxiixa amaahda ah ee ay kula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Sergio Canales, sida ay labada kooxood ku xaqiijiyeen shabakadahooda internetka.

Labada dhinac ma aysan sheegin heshiiska amaahda inta uu la egyahay lakiin sida ay sheegeyso jariirada AS ciyaaryahanka ayaa ogolaaday inuu Mestalla Stadium si amaah ah ugu ciyaaro ilaa 2013.

Valencia ayaa sidoo kale heysata fursad ay ku iibsan karto ciyaaryahanka marka uu u dhamaado heshiiska amaahda, waxaana ay markaas siineysaa Real Madrid 12 milyan oo euro. Dhinaca kale Real Madrid ayaa iyadana loo ogolaaday inay dib u la so wareegi karto ciyaaryahanka hadii uu si joogta ah ugu biiro Valencia, waxaana kooxda Mestalla ka dhisan ay kaga iibin kartaa 15-18 milyan oo euro.

Canales 00 20 jir ah ayaa muuqan xilli ciyaareedkii hore ka dib markii Jose Mourinho uu kala soo wareegay xagaagii hore kooxda Racing Santander heshiis lagu qiimeeyay 4.5 milyan oo euro.

Ciyaaryahanka khadka dhexe oo u saftay Real Madrid 15 kulan xilli ciyaareedkii hore ayaa Valencia ku biiri doona marka uu soo dhamaado koobka adduunka ee da’doodu ka hooseyso 20 ee ka soconaya Colombia.