RealMadrid CHina

Kooxda Real Madrid ayaa ciyaaraheeda saxiibtinimo iyo booqashada dalka China ku soo gabgabeysay guul raaxo leh, ka dib markii ay nus darsan goolal ah kaga badiyeen kooxda ka ciyaarta Super League ee Tianjin Teda.

Goolasha ugu horeeyay ee kooxda Real Madrid ayaa waxaa u saxiixay Kaka iyo Angel Di Maria, Los Blancos ayaa markaas qeybtii danbe ee ciyaarta goolal ku xaaqday kooxda reer China iyadoo Higauin uu ka dhigay 3-0, waxaa sii raacsaday Cristiano Ronaldo oo bedel ku soo galay halka labo gool kale uu  sii dhaliyay Karem Benzema taasoo ka dhigtay in Real ay ku badiso 6 gool iyo waxba.

Tababare Jose Mourinho ayaa 9 ciyaaryahan ka bedelay kooxdii 7-1 kaga badisay Guangzhou Evergrande, iyadoo Tomas Mejias uu goolka ilaalintiisa ku bilowday.

Real Madrid ayaa gabi ahaanba soo badisay ciyaaraheedii saaxiibtinimo ee ay ku kala ciyaareen Jarmalka, Mareykanka, Ingariiska iyo China. Iyadoo isku diyaarintoodii xilli ciyaareedka cusub ku dhameystay 100%.

Jose Mourinho iyo ciyaartoydiisa ayaa haatan waxa ay diirada saari doonaan koobka Super Cup-ka Spain oo labo lug ay la ciyaarayaan kooxda Barcelona ka hor inta aysan 19ka August kulankooda ugu horeeya horyaalka la ciyaarin Athletico Bilbao.