Manchester United Community Shield

Kooxda Manchester United ayaa markii 19aad ku guuleysatay koobka Community Shield oo ay u tartamaan kooxda ku guuleysatay horyaalka iyo kooxda ku guuleysatay FA Cup-ka, waxaan aay 3-2 ku garaaceen kooxda Man City ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Wembley.

Manchester City ayaa fursad albaabka uga soo gashay qeybtii hore ee ciyaarta iska daadiyay qeybtii danbe ee ciyaarta ka dib markii iyagoo ku hormaray labo gool loogu bedelay 3 gool.

Ciyaaryahan Lescott ayaa hogaanka ugu dhiibay gool madax ah, halka Edin Dzeko uu goolkii labaad u dhaliyay kooxda Sky Blue, iyadoo goolhayaha Man United David De Gea ay ka muuqatay habacsanaan aad u weyn.

Qeybtii danbe ee ciyaarta waxaa Man United rajo soo geliyay daafacooda da’da yar Cris Smalling oo gool u dhaliyay, lakiin Luis Nani ayuu ahaa ciyaaryahankii u barbareeyay ku dhawaad markii ay ciyaarta socotay muddo saacad ah

Iyadoo ciyaarta ay gudubtay 90ka daqiiqo ciyaaryahanka reer Portugal ayaa hadana mar kale noqday geesiga kooxda Shayaadiinta cas cas markii uu dhaliyay goolkii guusha