jose enrique

Kooxaha Newcastle United Iyo Liverpool ayaa ka heshiiyay saxiixa ciyaaryahanka baalka bidix Jose Enrique, kaasoo la rumeysan yahay inuu 5.5 milyan ginni ugu soo wareegayo kooxda Liverpool.

Kooxda Reds ayaa website-keeda rasmiga ah ku sheegtay inay heshiis la gaareen kooxda Newcastle oo ay kula soo wareegayaan ciyaaryahanka reer Spain ee daafaca bidix Jose Enrique.

“Liverpool FC waxa ay xaqiijineysaa inay heshiis wada gaareen Newcastle United oo ku aadan saxiixa Jose Enrique”

“Kooxda waxaa haatan fasax loo siiyay inay kala xaajoodan ciyaaryahanka heshiiska shaqsiga ah, waxaana uu u soo safri doonaa Liverpool si uu tijaabada caafimaadka u maro” ayuu lagu yiri.

Kooxda Liverpool ayaa aad ugu baahneyd daafaca baalka bidix ah, waxaana haatan ay ugu danbeyn soo xero geliyeen ciyaaryahankan oo muddo dheer lala xiriirinayay.

Jose Enrique ayaa noqonaya ciyaaryahankii 5aad oo Liverpool ay soo iibsato xagaagan isagoo ku biiraya Jordan Henderson, Charlie Adam, Downing, iyo goolhaye Alexnadre Doni.