Samir and Cesc

Ciyaaryahanada Cesc Fabregas iyo Samir Nasri ayaa qarka u saaran inay ka tagaan garoonka Emirates Stadium.

Fabregas ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka yurub ee Barcelona, heshis la rumeysan yahay inuu gaarayo 35 milyan ginni, sida ay ogaatay BBC Sport.

BBC Sport ayaa sidoo kale ogaatay in Samir Nasri uu isna ku dhow yahay inuu biiro kooxda Manchester City, heshiis isna u dhaxeeya 22 ilaa 24 milyan ginni.

Sida laga soo xigtay madax sarre oo Arsenal, lacagta laga helo iibka Fabregas, waxaa lagu soo iibin doonaa ciyaaryahano cusub.

Kooxda Gunners ayaa waxaa lala xiriiriyay Scott Dann, Phil Jagielka iyo Gary Cahill.

Tababaraha Gunners ayaa doonaya inuu adkeeyo daafaciisa, waana sababta keentay in daafacyadaas ay Arsenal diirada u saaran yihiin.

Fabregas oo 24 jir ah, ayaan awoodi doonin inuu Barcelona u ciyaaro Champions League, hadii uu ka qeyb qaato talaadada kulanka Arsenal iyo Udinese, waana sababta keeneysa in ka hor kulankaasi heshiis la gaaro.

BBC Sport sidoo kale waxa ay ogaatay in lacag 30 milyan ginni ah oo ay la socoto 5 milyan kale oo gadaal laga bixin doono lagu dhow yahay in la isku raaco saxiixa Fabregas.

Waxaa la rumeysan yahay, hadii la iibiyo, in ciyaaryahanka reer Spain uu magdhow ahaan u qaadanayo 4 milyan ginni, oo ah 4ta sanno ee uusan qandaraaskiisa dhameysan darteed, lakiin Fabregas ayaa doonaya inuu lacagtaasi u cafiyo Arsenal si heshiiska mar uun loo soo gabgabeeyo.

Wadahadalada ayaa waxaa ka qeyb qaatay madaxweyne ku xigeenka Barcelona Josep Maria Bartomeu waxaana la rumeysan yahay in dalabka Barcelona uu yahay kii ugu danbeeyay oo ah qaado ama ka tag, taasoo Arsenal ku qasbeysa inay iska iibiyaan mid ka mid ah hantidoodii ugu fiicneyd.

Lacagta haatan lagu heshiinayo ayaa ka yar 40 milyan ginni oo ah lacagtii ay Arsenal ku dooneysay ciyaaryahanka, lakiin ma heystaan fursad kale oo aan ka aheyn inay iska iibiyaan ciyaaryahan doonaya inuu baxo.