Alberto Aquilani

Ciyaaryahan Alberto Aquilani oo xaqiijiyay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu sii joogo Liverpool xilli ciyaareedkan, ka dib warar soo baxayay oo sheegayay inuu ku laabanayo Serie A.

Kooxaha Fiorentina iyo AC Milan ayaa labadoodaba lala xiriiriyay ciyaarahankii hore ee kooxda Roma, ka dib markii lagu guuldareystay inuu si joogta ah ugu biiro kooxda Juventus oo uu xilli ciyaareedkii hore si amaah ah ugu ciyaaray.

Aquilani ayaa u sheegay SkySports.com:

“Wax aaan dhihi karo ayaa ah, inay jireen hadalo badan, ma aanan la socon saxaafada Talyaaniga waxa ay qorayeen xagaagan, lakiin wax kasta oo dhaca waxaan la joogaa koox weyn sida Liverpool”

“Waan jeclaan lahaa inaan Liverpool sii joogo. Suuqa kala iibsiga waxa uu furan yahay ilaa 31ka August, sidaasi darteed waan arki doonaa wixii dhaca”

“Sida iska cad waxaan qaadan doonaa dalabka aan meel si rasmi ah ugu biirayo anigoo maanka ku haya Liverpool”

Aquilani ayaa si aad ah loo filayay inuu xagaagan ku noqonayo Italy, lakiin tababare Kenny Dalglish ayaa ku celceliyay in ciyaaryahanka uu mustaqbal ku leeyahay Anfield.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa 28 jeer u ciyaaray Liverpool tan iyo intii uu 20 milyan euro ugu soo biiray 2009kii, waxaana uu xalay dhaliyay goolkii guusha ee Italy ay kaga badiay xulka Spain.