Eljero

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Hamburg Eljero Elia ayaa sheegay inuusan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo Juventus, isagoo dareensan in ku biiritaanka Turin aysan u aheyn horumar uu sameeyay xillligan la joogo.

Agaasimaha kooxda Jarmalka HSV Frank Arnesen ayaa shaaca ka qaaday shalay oo arbaco aheyd inay diideen dalabkii kooxda Juventus ay ku dooneysay ciyaaryahanka Netherlands, lakiin Elia ayaa sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo hadii koox weyn ay soo dalbato.

“Kooxda waxa ay ii sheegeen inaysan ii ogolaaneynin inaan ku biiro Juventus, lakiin taas dhibaato kuma qabo. Waana ku raacsanahay kooxda inaan wadahadalo la furno hadii koox weyn sida Arsenal ama Chelsea ay albaabka soo garacaan” ayuu yiri Elia sida laga soo xigtay Hamburger Morgenpost.

“Ma loo baahna in lala hadlo hadii kooxda i xiiseyneysa ay isku darajo yihiin HSV. Juventus weli waa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Italy, lakiin fekrad ahaanteyda kama fiicna Hamburg”

24 jirkaan ayaa qandaraas kula jira Hamburg ilaa xagaaga 2014. Juventus ayaa xagaagan waxaa ilaa iyo haatan lala xiriiriyay ciyaartoyda garab fog ka ciyaarta sida laacibka Lyon Michel Bastos iyo laacib Fiorentina Juan Manuel Vargas.