Julio Cesar

Goolhayaha kooxda Inter Julio Cesar ayaa ugu baaqay kooxdiisa Inter inay sameeyaan wax walba oo ku ceshan karaan ciyaaryahanada Samuel Eto’o iyo Wesley Sneijder.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland ayaa muddo badan lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda Inter Milan, iyadoo Manchester United ay tahay kooxda ugu cadcad saxiixiisa.

Samuel Eto’o ayaa haatan ah ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee lala xiriiriyo inuu baxayo, iyadoo kooxda lacagta heysata ee reer Russia Anzhi Mackhachkala lagu soo waramayo inay heshiis wada gaareen Inter Milan, balse aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Si kastaba, 31 jirkaan reer Brazil ayaa doonaya in labada ciyaaryahan ay ku sii negaadaan garoonka San Siro isagoo la hadlayay La Gazzetta dello Sport waxa uu yiri:

‘Waxaan rajeynayaa in Wesley Sneijder iyo Samuel Eto’o ay kooxda sii joogaan. Waa labada ciyaaryahan ee isbedelka ka sameeya kooxda Inter. Hadii kooxda ay dooneyso inay wax ku guuleysato mar kale, waa inaysan iska iibin labadaas ciyaaryahan”

Goolhayaha reer Brazil ayaa sidoo kale ka hadlay tababaraha cusub ee kooxda Inter Gian Piero Gasperini

”Inay guuldarro 2-1 ah naga soo gaarto Milan koobkii Supercoppa Italiana ee Bejing waxa ay aheyd murugo, lakiin Gasperini ayaa noo sharaxay halkii uu qaladka ka yimid. Wax yar ayaan isaga ka garanayaa, aniga xitaa wax yar ayuu iga yaqaanaa. Lakiin waxaan xusuustaa amaantii uu Jose Mourinho amaanay Gaspereni markii uu joogay Genoa”

Julio Cesar ayaa xalay ka qeyb qaatay kulankii saxiibtinimo ee xulkiisa Brazil guuldarada 3-2 ay ka soo gaartay Jarmalka.