Cristiano Ronaldo

Laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa sugi la’ inuu bilowdo horyaalka cusub ee 2011-12, waxaana uu cadeeyay inuu doonayo inuu koobab qaado halkii uu ka raadsan lahaa abaalmarin shaqsiyadeed.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa La Liga xilli ciyaareedkii hore ka dhaliyay 40 gool, lakiin waxa uu seegay inuu qaado horyaalka La Liga iyo Champions League oo Barcelona ay ka hor joogsatay kooxda Santiago Bernabeu.

“Dabcan, waxaan sameyn doona wax walba si aan ugu riyaaqo xilli ciyaareedka. Si kastab, kama fekerayo inaan dhaafo rikoorkeygii sannadka hore” ayuu yiri Cristiano Ronaldo sida laga soo xigtay Marca.

“Waxaan doonayaa inaan koobab la qaado kooxda, waxaana sameyn doonaa wax walba sidii aan taas ku heli laheyn. Waana waxa aan dhamaanteen ka shaqeyneyno”

Real Madrid ayaa axada martigelin doonta Barcelona kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka oo ah Spanish Supercopa.