Arsenal Vs NewCastle

Kooxda Arsenal ayaa kulankeedii ugu horeeyay ee horyaalka Ingariiska ee xilli ciyaareedka 2011-12 waxa ay barbaro goolal la’aan ah la gashay kooxda Newscastle United iyadoo laacibkeeda cusub Gervinho uu calaamada casaanka qaatay

Arsenal oo ay ka maqnaayeen ………………. kabtankeeda Cesc Fabregas iyo Samir Nasri oo labadooba loo tirinayo inay xagaagan ka tagayan, iyo sidoo kale laacibkooda khadka dhexe Jack Wilshere oo dhaawac ku maqan ayaa hal dhibic ku heshay safarkii ay ku tageen garoonka St James Park.

Iyadoo 15 daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta, weeraryahanka laga soo bixyay 12 milyan ginni ayaa la tusay kaarka casaanka markii uu dharbaaxay Joey Barton,  kaasoo ka xanaaqay markii uu ciyaaryahanka reer Ivory Coast isku tuuray diilinta ganaaxa.

Tababare Arsene Wenger ayaa haatan seegi doona weeraryahankiisa cusub ilaa seddex ciyaarood, iyo hadii uu sii raaco ganaax kale

Casaanka uu qaatay Gervinho ayaa ah kii labaad ee maanta uu horyaalka furmay la bixiyay, iyadoo sidoo kale daafaca kooxda QPR Hill uu isna casaan toos ah qaatay kulankii ay kooxdiisa la ciyaareysay Bolton.

Iyadoo wadar ahaan kulamdii maanta la bixiyay 35 kaarka hurdiga ah