Ronaldo

Tobabaraha naadiga Realmadrid Jose Mourinho ayaa uyeedhey 20 ciyaartoy oo kamida kooxdiisa si ay usaftaan kulanka aadka loo sugayo ee dhex mari doona berritoole insha’allahu tacaalaa labada naadi ee RealMadrid Iyo Barcelona.

Ciyaartan oo ah  Supper Cup ee spanishka ayaa kulanka 1-aad waxa uu kadhici doonaa garoonka Santiago Bernabue halka kulanka danbe uu kadhici doono garoonka Barcelona ee Neo Camp

Naadiga RealMadrid oo soo gebo gebeeyey alamiitadey iyo diyaargarowga kulankan ugu jirtey maanta oo ahayd sabti ayaa waxa kasoo qaybgalay alamiitadii taageerayaal gaadhaya 57000 oo taageere

Alamiitadan ay saaka realmadrid qabsatey ayaa waxa ka dhex muuqdey Sergo Ramos oo dhaawac fudidi soo gaadhey, taas oo loo badinayo in uu safto kulanka 1-aadba halka ciyaaryahannada Estaban Granero, Nuri Sahin iyo weliba Hamit Altintop ay kamaqnaan doonaan kulankan.

Waakuwan 20-ka ciyaartoy ee safan doona kulan:- ……………………………….

Goolhayaasha: Iker Casillas, Adam, Jesus

Difaaca: Ricardo Carvalho, Pepe, Sergio Ramos, Marcello, Raul Albiol, Coentrao, Varan

Dhexda: Mesut Ozil, Sami Khadira, Xavi Alonso, De Maria, Ricardo Kaka, Jose callejon

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Higuain, Karim Benzema.