alexander song

Ciyaaryahanada kooxda Arsenal Gervinho iyo Alex Song ayaa la ganaaxay min seddex kulan, ka dib markii FA-ga ay danbi ku heleen kulankii barbaraha goolal la’aanta ku dhamaday ee Newcastle United.

Gervinho oo 24 jir ah ayaa casaan toos ah qaatay ka dib markii uu dharbaaxay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Newcastle Joey Barton.

Barton ayaa jaale ku qaatay qalalaasaha uu ka qeyb qaatay, waxaaana uu dhulka ku jiiday ciyaaryahanka reer Ivory Coast markii uu Gervinho isku tuuray diilinta ganaaxa.

Lakiin waxa uu ka badbaaday ganaax dheeri ah, madaama ciyaarta dhexdeeda lagu xaliyay dhibaatadaas.

Song ayaa isna waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal xun ka dib markii uu ku istaagay lugta Barton, lakiin dhacdadaasi garsooraha ma uusan arkin waqtigaas

Lakiin ganaaxa laftiisa racfaan kama qaadan doonaan madaama aysan dooneynin in hal kulan kale oo dheeri ah loogu darro hadii racfaanka lagu guuldareysto

Taas bedelkeeda Arsenal waxa ay ku doodi doontaa in Barton uu si cad u qirtay inuu jiliin ku daray markii dharbaaxada ay ku dhacday, taasoo ay doonayaan in la yareeyo ganaaxa la dul dhigay 24 jirkaan

Barton ayaa boga Twitter ku qirtay ciyaarta ka dib waxoogaa inuu ka badbadiyay markii uu dharbaaxo kala kulmay Gervinho.

Labada kooxood ee Gunners iyo Newcastle ayaa iyagana dacwado ay horyaalaan, madaama ay xakameyn waayeen ciyaartoydooda intii ay ciyaarta socotay, waxaana ganaaxa ku dhacaya uu yahay 25 kun ginni

Newcastle ayaa beenisay dacwadaha lagu soo oogay waxaana kiiskooda dhageysan doona guddiga dishibiliinta FA-ga, halka Arsenal aysan weli go’aansan talaabada ay qaadi doonto