Diego Forlan

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Forlan ayaa shaaca ka qaaday inuu dalab ka helay kooxda Inter, waxaana uu intaas ku daray inuu ku faraxsanaan lahaa inuu u dhaqaaqo kooxda Talyaaniga.

Kooxda Serie A  ka dhisan ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cuusb, sababtoo ah waxaa la filayaa in Samuel Eto’o uu ku biiro Anzhi Makhackala, waxaana ay u arkaan Forlan inuu yahay ciyaaryahanka booskiisa bedeli kara.

“Waxaan dalab ka helay Inter. Waa riyo rumowday hadii aan u dhaqaaqo Milan oo aan u ciyaaro Inter” ayuu yiri Forlan sida laga soo xigtay wesbite-ka  jariiarada La Gazzetta dello Sport.

Ciyaaryahanka heerka ee dalka Uruguay ayaa sidoo kale sheegay in Inter ay tartan la kulmeyso madaama sidoo kale kooxda Galatasaray ay xiriir la soo sameysay.

“Kooxda kaliya ee Turkish ah ee xiriir ila soo sameysay waa Galatasaray. Waa koox weyn. Wax xiriir ah lama aanan sameynin Besiktas ama Fenerbahce. Wax farqi sidaas u weyn ah uma dhaxeeyo dhaqaalaha kooxaha Turkiga iyo kooxaha kale ee yurub; Turkey waa dal weyn, waana iska fiicnaan laheyn inaan maalin uun halkaas ka ciyaaro”

Qandaraaska ciyaaryahan Forlan ee Atletico Madrid ayaa waxa uu ku egyahay xagaaga 2013.