Van Persie

Ciyaaryahan Robin van Persie ayaa si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka cusub ee kooxda Arsenal ka dib markii Cesc Fabregas uu isniintii ku biiray kooxda Barcelona.

Van Persie ayaa xirtay kabtanimada kulankii sabtida, waxaana haatan toos loogu wareejiyay inuu hogaamiyo kooxda Arsenal.

Daafaca Belgium-ka Thomas Vermaelen oo sidoo kale xirtay kabtanimada ciyaarahii saaxiibtinimo ayaa isna loo magacaabay kabtan ku xigeenka kooxda Gunners.

“Robin van Persie ayaa kabtan noqon doona xilli ciyaareedkan” ayuu yiri Arsene Wenger.

“Waa hogaamiye sida uu u ciyaaro, dabeecadiisa iyo sida uu u doonayo inuu u guuleysto”

“Waqti badan ayuu kooxda joogaa, sidoo kalena waa hogaamiye dhinaca farsamada. Thomas Vermaelen ayaa caawin doona, waa go’aan aan  gaaray, waxaana kalsooni ku qabaa in kooxdana ay u hogaansami doonto”

Fabregas ayaa kabtanka Arsenal noqday 2008dii markii Willaim Gallas laga qaaday.