Djimi Troare

Daaficii hore ee kooxda Liverpool Djimi Traore ayaa ugu  biirey si xor ah  kooxda Marseille ee ka dhisan dalka Faransiiska kadib markii uu labo sano ka mid ahaa kooxda Monaco.

31-jirkaan ka soo jeeda dalka Mali ayaa waxaa uu halgan u geli doonaa sidii uu boos buuxa uga heli lahaa kooxdan cusub iyadoo isla kooxda ay dhowaan keensatay Jeremy Morel oo ay isku boos ka ciyaaraan.

Traore ayaa sheegay inuu doonayo in uu koobab la qeysado kooxda Marseille.

“Waxaan doonayaa koobab,” ayuu u sheegay shabakada ay leedahay kooxda. “Intii aan  Fransiiska joogay , kuma aanan guuleysan wax koobab ah,  waxaan hore ugu soo dheelay kooxda Lens, waxaan ciyaar final ah aan ku waayay koob intii aan ka mid ahaa kooxda Monaco. Laakiin  Marseille waxa ay aniga ii soo qaadatay in aan howsheeyda u guto sida ugu wanaagsan waana koox caan ah, waxaan la barbardhigi karaa kooxda Liverpool oo aan hore ugu soo ciyaaray.

Daafacan reer Mali ayaa dhaawac soo gaaray dhowaan waxaa uu garoomada ka maqnaa muddo wuxuuna aaminsan yahay in uu haatan diyaar u yahay in uu xamaasho.

Kooxda Marseille ayaa iska fasaxday laacibka  qadka dhexe uga ciyaari jirey ee Edouard Cisse.

“Marseille iyo Edouard Cisse waxa ay ku hesheeiyeen in la soo gabagabeeyo heshiiska uu kula joogo kooxda,” ayaa qoraal ay soo saartay kooxda lagu sheegay.

Waxaana haatan lala xiriirinayaa in uu Cisse u dhow yahay in uu heshiis u saxiixo kooxda AJ Auxerre.”