Falcao

Kooxaha FC Porto iyo Atletico Madrid ayaa ka heshiiyay saxiixa ciyaaryahanada Radamel Falcao iyo Ruben Micael oo ay labada ciyaaryahan ku iibsanayaan kooxda reer Spain 45 milyan euro. Sida ay shaacisay FC Porto.

Kooxda heysata horyaalka Portugal ayaa intaas ku dartay inay labada ciyaaryahan ay sugayaan inay tijaabada caafimaadka maraan si ay si rasmi ah ugu biiraan kooxda Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ruben Micael ayaa ku wareegaya heshiis 5 milyan euro ah, halka weeraryahanka Radamel Falcao uu Atletico ugu biiraya lacag gaareysa 40 milyan euro, waxaana sii raacda 7 milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

Ku biirista Falcao uu ku biirayo kooxda ka dhisan Vicente Calderon ayaa soo gabagabeyneysa wararkii suuqa ee ku aadanaa ciyaaryahankan tan iyo intii uu sheegay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore inuu doonayo inuu ku biiro koox weyn.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa lala xiriirinayay inay doonayaan Falcao oo xilli ciyaareedkii hore 38 gool tartamada oo idil u dhaliyay FC Porto, waxaana uu kooxda ka caawiyay inay ku guuleystaan seddexda koob ee horyaalka Portugal, Portugal Cup iyo Europa League.

Si kastaba, labada kooxna midkood albaabka uma soo karaacin ciyaaryahanka, taasoo keentay inay dhabaha u xaarto Atletico, kuwasoo raadinayay weeraryahan cusub ka dib markii Sergio Aguero uu ku biiray Manchester City.

Falcao ayaa lacagtii lagu burburin karay heshiiskiisa ay ka yar tahay 5 milyan euro, lakiin Ruben Micael oo heshiiska qeyb ka ah ayaa labada kooxoodba ka dhigay kuwa ku faraxsan heshiiskan.