Daafaca kooxda Manchester United Nemanja Vidic ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa shan todobaad, halka Ferdinand la filayo inuu ka soo kabsado si ka dhaqso badan sidii la filayay.

Labada daafaca ayaa la bedelay kulankii ugu horeeyay ee ay la yeesheen West Brom, waxaana markii hore loo maleynayay in Ferdinand uu garoomada ka maqnaan doono muddo lix todobaad ah.

Waxaa haatan laga yabaa inuu Ferdinand soo kaco kulan Arsenal ee 28ka August, lakiin United ayaa muddo dheer weyn doonta kabtankooda Vidic.

Daafaca Faransiiska Patrice Evra ayaa isna taam noqday, halka Javier Hernandez uu si fiican uga soo kabsanayo miir daboolankii ku dhacay intii ay Man United booqashada ku mareysay USA.

“Todobaadkii hore waxaan u maleynay in dhaawaca Ferdinand uu qaadanayo ilaa lix todobaad, halka dhaawaca Vidic aan u maleynay inuu yahay mid yar, lakiin taas xitaa waa isbedeshay” ayuu Ferguson u sheegay suxufiyiinta maanta.

“Vidic waxa uu maqnaanayaa afar ilaa shan todobaad. Waa ka dheer tahay sidii aan fileynay, halka dhaawaca Rio uusan aheyn mid xun, waxaana aaminsanahay inuu diyaar noqon doono kulanka Arsenal. Uma maleynayo inuu diyaar noqonayo isniinta, waa cajiib sida xaaladaha isku bedelayaan maalmo yar gudaheed” ayuu yiri SAF.

“Rafael qaliiin ayaa garabka looga sameeyay todobaadkan wuxuu maqnaanayaa ilaa toban isbuuc. Dhaawac halis ah ayuu ahaa”

“Patrice waa uu inoo soo laabtay, Chicharito isna waxa uu ku soo laabtay tababarka, sidoo kalena Valencia oo isna kooxda Juunyeerka la ciyaari doona todobaadkan” ayuu hadalkiisa ku koobay