InterMilan TIM CUP 2011

Kooxda Inter Milan ayaa ku guuleysatay koobka seddex geesoodka Trofeo TIM ka dib markii gool uu u dhaliyay Diego Milito ay 1-0 ku garaaceen kooxda AC Milan kulan ka dhacay San Nicola ee Bari.

Natiijadan ayaa ka danbeysay ka dib markii Inter ay rigoorayaal ku soo garaaceen Juventus. Halka Juventus ay ka badisay Milan.

Kulankan seddex geesoodka ah oo seddexda kooxba ay is arkayaan 45 daqiiqo, ayaa waxaa ku bilowday Inter iyo Juventus, Mirko Vucinic ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Juve, lakiin Andrea Ranocchia ayaa u barbareeyay daqiiqado ka dib.

Waxaana ciyaarta la isla tagay rigoorayaal waxaa 6-5 ku badisay kooxda Inter oo meeshaas ku heshay labo dhibcood, halka Juve ay kulankan ka heshay 1 dhibic.

Kulankii xigay Juventus ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Milan, iyadoo Alessandro Marti uu goolka guusha u dhaliyay dhamaadkii ciyaarta iyadoo 47 daqiiqo ah.

Antonio Cassano ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Milan ka hor inta uusan Arturo Vidal u barbareeyn kooxda Juve. Ciyaaryahanka reer Chile ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa uu sidoo kale u dhigay kubadii madaxa ku dhaliyay Marti.

Waxaana koobka kulankii 3aad ku qaaday kooxda Inter oo 1-0 kaga badisay Milan, Inter waxa ay ku dhameysatay shan dhibcood, halka Juve ay ku dhameysatay afar dhibcood, AC Milan wax dhibic ah ma helin madaama labada kulan laga badiyay.

Natiijooyinka: Inter 1-1 Juventus (6-5 rigoorayaal); Juventus 2-1 AC Milan; AC Milan 0-1 Inter.