Luis Suirez

Arsenal Vs Liverpool

Wareega labaad ee premier league oo dhici doonaan kulumo xiiso leh, garoonka Fly emirates oo marti gelin doona labada naadi ee kale ah Arsenal iyo Liverpool, halka garoonka old Trafford isna lagu qaban doono kulan lawada sugayo oo ah Manchester united iyo Tottenham.

Ciyaarta hore ee kadhici doonta garoonka fly emirates, arsenal iyo Liverpool waxa ay doonayaan in midkastaaba uu saddexda dhibcood garoonka kala baxo sababtoo ah labadan naadiga oo kulankii 1-aad ee premier league ku bilaabey barbar dhac oo aanu midkoodna badin.

Arsenal oo barbardhac xun lagashey naadiga Newcastle kuna dhamaatey (0-0), halka naadiga Liverpool uu garoonkiisa Anfield uu barbardhac kula galay naadiga Sunderland (1-1)

Naadiga arsenal oo ku garoonka soo geli doonta iyada oo ay kamaqanyihiin ciyaaryahanno dhowr ah oo ay kamidyihiin…………. Kabtankii naadiga Cesc Fabregas oo ka degey naadiga Barcelona, samir nasri oo isna qarka usaaran naadiga Manchester city

Waxaa kaloo kamaqnaan doona ciyaaryahankeeda cusub ee soo gadatey arsenal Gervinho oo casaan qaatey kulankii 1-aad iyo alexander song oo isna laganaaxey

Waxaa kaloo uu shaki kujiraa in ay ciyaaraan ciyaaryahannada kala ah jack Wilshire, Gibbs, Yohan Djouro, Tomas Rosicky, Armand Troare iyo weliba abu diaby oo dhaawac ku maqan

Halka naadiga Liverpool oo kamid ahayd naadiyaasha ugu iibsiga badneyd suuqa kala iibsiga ciyaartooyada ay taageerayaasheedu ka sugayaan koobka premier league una rajaynayaan in ay ka bilaabaan naadiga arsenal guusha

Manchester United iyo Tottenham

Ciyaar labaad oo xiiso leh oo ay sugayaan taageerayaasha premier league ayaa waxay dhex mari doontaa labada naadi ee kale ah Manchester united iyo Tottenham kulanka oo kadhici doona garoonka old Trafford ee ay ku ciyaarto naadiga Manchester united

Tottenham oo aan ciyaarin kulankii koobaad ee lagu furey premier league, mudaharaadyadii kadhacayey magaalada London daraadeed

Halka naadiga Manchester united uu ku bilaabey guul oo kasoo hoyey naadiga west bromich albion kagana adkaadey (2-1)

Laakiin naadiga Manchester united waxa haysta mushkilad dhaawac ah oo lakulantey difaaceeda Rio Ferdinand oo maqnaan doona 6 usbuuc halka rafeal da silvana maqnaan doono 10 usbuuc

Chelsea Vs West Bromich

Chelsea oo garoonkeeda stamford bridge ku marti gelin doonta naadiga west bromich albion iyada oo kamaqan yahay goolhayeheedii Peter Cech

Chelsea oo kulankii 1-aad barbardhac ladhaafi weydey naadiga stoke city ayaa tobaraha cusub ee naadiga Chelsea andreas villa boas waxa uu rajaynayaa in guushiisa 1-aad uu ka gaadhi doono naadiga west bromic

Kulamada kale

Manchester city oo safri doonta garoonka Reebok ee ay kuciyarto naadiga Bolton wonders, labadan naadi oo hogaaminaya premier league kadib markii ay midkastaa ku badisey (4-0) ayaa waxa lasugayaa ta qaban doonta hogaanka premier league

Ciyaaraha kalana waxay udhici doonaan sidatan:

Sunderland Vs NewCastle

Aston Villa Vs Blackburn Rovers

Everton Vs Quins Park Rangers

Swansea Vs Wigan Athletic

Norwich City Vs Stoke City

Wolverhampton Vs Fulham