Wesley Sneijder

Kubadsameeyaha kooxda Inter Milan Wesley Sneijder ayaa sheegay inuu u dhawaa inuu ku biiro kooxda Manchester United xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka dalka Holland ayaa aad loo xiriirinayay Old Trafford, lakiin xilli ciyaareedkan waxa uu sii joogi doonaa Inter Milan.

“Waxaan dareemayay in u wareegisteyda ay aad u dhaweyd” ayuu Sneijder u sheegay wargeyska Holland ka soo baxa ee AD.

“Waxaa jiray wadahadalo dhow ah oo arintan laga yeeshay”

“Xaalada waa ay aheyd, in Inter ay iska iibiso ciyaaryahan. – (Samuel) Eto’o ama aniga. Xiiso waa uu jiray lakiiin xaalada jiray aawadeed ma aysan dhicin”

 

Inter ayaa ka iibisay weeraryahanka reer Cameroon kooxda Ruushka ee Anzhi, taasoo keentay in Sneijder uu ku negaado San Siro.

“Waxa ay yihiin mid ka mid ah kooxaha adduunka ugu waa weyn, sidaasi darteed ma aheyn doorasho xun” ayuu ka yiri Manchester United.

“Lakiin isla waqtigaas ma aanan dooneynin inaan ka tago Inter. Waxaan joogaa Italy aad ayay iigu fiican tahay”

Sneijder ayaa Inter kaga soo biiray Real Madrid 2009kii, waxaana kooxda Nerazzuri uu ka caawiyay inay qaadaan Champions League, Serei A iyo Coppa Italia xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Inter.

Sneijder ayaa qandaraaska uu kula Inter waxa uu ku eg yahay June 2015.