Ricardo Carvalho

Daafaca kooxda Real Madrid Ricard Carvalho ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegayo inuu gabi ahaanba ka fariistay ciyaaraha caalamiga.

33 jirikan ayaa ka tagay xarunta tababarka ee xulka Portugal habeenkii arbacada, taasoo wararka ay sheegayaan inay ka danbeysay ka dib markii uu ogaaday inuusan ku bilaabaneynin kulanka isreebreebka Euro 2012 oo Portugal ay jimcaha la ciyaareyso Cyprus.

Carvalho lama uusan duulin kooxda inteeda kale, waxaana uu haatan ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha wadankiisa, isagoo aaminsan inuu u qalmay in si fiican loola dhaqmo.

“Waxaan dareemayaa qaab aad fiican, jir ahaan iyo maskax ahaanba, sida aan ugu ciyaaro kooxdeyda iyo qarankeyga. Hadii ay i dareensiinayaan inaan ahay qof aan muhim aheyn islamarkaana aysan ii sheegeynin, markaas inaan iska tagaa kaliya”

“Waligey ma dareemin sharaf dhac sidaasi oo kale ah hada ka hor. Kaliya waxaan ahay ciyaaryahan, si kastaba waxaan u qalmaa texgelin iyo ixtiraam”

“Ma qorsheyneynin inaan mustaqbalkeyga qaranka sidaan ku soo gabgabeeyo, lakiin waxaa iga dhaadhacsan inaan mar walba qiimeeyo wadankeyga”

Daafaca Real Madrid ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Portugal uu u ciyaaro waxa uu ahaa 2003dii, isagoo ka hor yimid Albania, waxaana uu u saftay 75 kulan isagoo dhaliyay afar gool.

Waxa uu qeyb ka ahaa xulkii Portugal ee gaaray finalkii Euro, waxaana uu ku jiry kooxda Uefa Euro Team of the Tournament.

Carvalho, waxa uu sidoo kale ka qeyb qaatay koobabkii adduunka ee 2006 iyo 2010 iyo sidoo kale Euro 2008