Nuri Sahin RealMadrid

Kooxda Real Madrid ayaa war xun ka heshay qeybtoooda caafimaadka, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga Nuri Sahin uu dib u dhac ku yimid xiligii uu soo kabsan lahaa, iyadoo haatan la filayo inuu garoomada ku soo laaban doono bilowga bisha Novermever. Sida ay ku warantay jariirada Marca.

22 jirkaan qadka dhexe ayaa xagaagn ka soo tagay Borussia Dortmund isagoo ku biiray Real Madrid, lakiin weli kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Santiago Bernabue ma uusan ciyaarin sababo la xiriira dhaawac jilibka uu ka qabo.

Sahin ayaa dhaawac waxa uu ka soo gaaray tababarka, markii kooxdiisa ay isku diyaarineysay safarkeeda USA bishii July, ilaa xiligaasna waa uu maqnaa.

Waxaa markii hore la filanayay inuu garoomada ka maqnaanayo seddex todobaad kaliya, lakiin soo laabashadiisa ayaa haatan u muuqata mid ka fog sidii la rajeynayay.

Madrid ayaa ka cabsi qabta inay Sahin weyso labo bilood kale, taasoo la micno ah inuu seegi doono 8 kulan oo La Liga ah iyo seddexda kulan ee ugu horeysay Group-ka Champions League.