Joe Cole

Ciyaaryahan Joe Cole ayaa si amaah ah muddo hal xilli ciyaareed ah ugu biiraya kooxda Faransiiska ee Lille sida ay xaqiijiyeen labada kooxood ee Liverpool iyo Lille.

Ciyaaryahanka ayaa waxa uu boos joogta ah ka waayay kooxda Kenny Dalglish taasoo sababtay in haatan amaah lagu diro, si Liverpool ay isaga dejiso cadaadiska mushaharkiisa oo gaaraya 90 kun ginni todobaadkii.

Warbxiin la soo dhigay website-ka Liverpool ayaa lagu xaqiijiyay inuu ciyaaryahanka si amaah ah ugu biirayo xilli ciyaareedkan kooxda horyaalka Faransiiska heysata ee Lille.

Lille oo ciyaareysa Champions Leagu ayaa waxa ay ku jirtaa Group B oo ay kuwada jiraan kooxaha Trabzonspor, CSKA Moscow iyo Internazionale