Crieg Bellemy

Warbixin la uruuriyay ayaa sheegeysa in sannadkan 2011 uu jabiyay rikoor wax soo iibsiga suuqa kala iibsiga ee dalka Ingariiska, ka dib markii sannadkan kaliya ay kooxaha Ingariiska ku qarashgareeyeen suuqa kala iibsiga 710 milyan ginni.

Baaris ay sameysay Deloitte group ayaa tilmaameysa in kooxaha Premeir League ay qarashgareeyeen xagaagan kaliya 485 milyan ginni, taasoo ka badan 33% intii ay qarashgareeyeen sannadkii hore, waxaana bishii Janaayo ee sannadkan iyadana la qarashgereeyay 225 milyan ginni taasoo ka dhigeysa rikoor cusub oo Premeir League uu jabiyay sannadkan.

Kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United waxa ay kooxdiiba xagaagan qarashgareysay wax ka badan 50 milyan ginni, iyadoo shalay oo ugu danbeysay suuqa kala iibsiga ay kooxaha Ingariiska qarashgareeyeen lacag ka badan 100 milyan ginni.

Rikoorkii ka kan ka horeeyay waxa uu ahaa 2008dii markaasoo kooxaha Ingariiska ay sannadkaas qarashgareeyeen 675 milyan ginni, waana markii uu Sheekh Mansuur uu la wareegay Manchester City  uuna bilaabay inuu lacag badan geliyo suuqa taasoo ilaa iyo haatan aan joogsan.

“Marka laga soo tago sannadkii hore, xagaagan lacagtii la qarashgreeyay ayaa u dhaxeysa 440 milyan ilaa 500 milyan. Mana jirto sabab ay u sii yaraan doonto lacagta ay suuqa geliyaan kooxaha Ingariiska” ayuu yiri Dan Jones oo shirko la ah kooxda ganacsiga isboortiska ee Deloitte.

“Sannadkan waa rikoor, sababtoo ah hadii aad fiiriso shanta kooxood waxa ay dhamaantood lahaayeen sabab ay lacag u qarashgareeyaan”

“Waxaa jirta tababare ugu yaraan hada cusub oo Liverpool ah, tababare cusub oo Chelsea ah, milkiilayaal hami leh oo Man City jooga, koox dooneysa inay boorka iska qaado oo Manchester United ah ka dib markii ciyaartoy badan ay ka fariisteen, iyo Arsenal oo u baahneyd inay lacag geliso suuqa”

Liverpool ayaa ka mid aheyd kooxaha sida aadka ah uga muuqatay suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo Craig Bellamy uu ugu danbeeyay ciyaartoydii xagaagan timid garoonka Anfiled oo 7  gaaraya.

Kooxda Reds waxa ay keensatay afar ciyaaryahan oo British ah Bellamy, Jordan Henderson, Stewart Downing iyo Charlie Adam. Deloitte waxa ay sheegtay in kooxaha Premeir League ay ku qarashgareeyeen ciyaartoyda Ingariiska 165 milyan giini, iyadoo xagaagii hore ay ku qarashgareeyeen kaliya 50 milyan ginni.