Massimilliano allegri

Tababaraha kooxda AC Milan Massimiliano Allegri ayaa aaminsan in ay jiraan doldoloolooyin ama buundo deebulo loogaga faa’ideysan karo kooxda Barcelona iyadoo naadiga AC Milan ay 12maalmood kadib ay ku kulmi doonaan tartanka koobka Horyaalka Yurub.

AC Milan ayaa waxaa horyaalla howl culus oo kulan ay marti ugu noqonayaan kooxda Nou Camp bishan September 13keeda marka uu tartanka  Champions League uu bilowdo. Hase ahaatee 44jirkan tababaraha u ah kooxda haysata horyaalka dalka Talyaaniga ayaa rajo ka qaba in natiijo fiican uu ka keeno kulankaas.

Isagoo daawaday kulankiii ay kooxda haysata horyaalka Spain ay ugaga guuleysteen kooxda Porto tartanka  European Super Cup toddobaadkii hore, ayuu  Allegri ku kalsoon yahay in uu heli karo hab uu ugaga guuleysto kooxda  Catalans.

Allegri ayaa u sheegay wargeyska Il Corriere dello Sport: “Tan ugu muhiimsan waxa ay noqonaysaa in la xadido dheesha Barcelona.

“Barcelona waa koox aad  ku adkeyn  kartid inay ciyaaraan marka aad weeraro ku qaado taasoo ah tan ay Porto soo bandhigtey European Super Cup.”ayuu yiri Allegri