Ibrahimovic

Weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic oo aan xiriir wanaagsan la soo qaadan Pep Guardiola waqtigi uu Barcelona ayaa amaanay tababaraha kooxda Barcelona iyo guulaha uu gaaray

Zlatan Ibrahimovic ayaa kooxda Barcelona ka tagay isagoo ka careysan Guardiola bishii august 2010 kadib markii uu xumaaday xiriirki uu la lahaa tababaraha kooxda Barcelona.

Inkastoo ay taas jirto ayuu Ibrahimovic amaanay tababare Pep Guardiola iyo kooxda Barcelona guulaha ay gaareen dhawaantaan dambe.

” Barcelona waa kooxda ugu fiican caalamka, waan ogaa taas welibo waqtigi aan kooxda ku soo biirayey, wixi dhacay marki aan kooxda ka soo tagay waa wax dhacay, Guardiola waa tababare aad u wanaagsan, dhibaatooyinka naga dhex-dhacayna waa mid ka gooni ah ”

Kooxda Barcelona ayaa wareega group-yada ee Champions League ku aaday kooxda uu Ibrahimovic ka tirsanyahay haatan ee AC Milan waxaana 29-jirkaas reer Sweden uu kalsooni badan ka muujinayaa u soo bixitaanka wareega 16-ka inkastoo ay ku aadeen kooxda tartan difaacaneysa.

” Waqtigaan Guardiola shaqo fiican ayuu ka haayaa Barcelona, anigana sidoo kale AC Milan, waxaa wanaagsan wixi hore in laga soo gudbo oo aan dib loo raacin, Milan waa koox adag waxaana sameyneynaa horumar, ciyaartoy wanaagsan waan soo iibsanay waxaana rajeynaa iney si wanaagsan ula qabsadaan kooxda ” ayuu Ibra ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Kooxaha FC Barcelona iyo AC Milan ayaa wada ciyaari kulanka ugu horeeya group H, ciyaartaas oo ka dhici doonta garoonka Camp Nou 13-ka bishan September.