New Staduim

Ciyaaryahan Alessandro Del Piero ayaa ku faraxsan munaasabada berri lagu furayo garoonka cusub ee kooxda Juventus oo uu ku tilmaamay inay wakiil ka tahay kacaanka cusub ee kooxda Bianconeri.

Kooxda Bianconeri ayaa waxa ay noqon doontaa kooxdii ugu horeysay ee Italy ee yeelata garoonkeeda u gaarka ah, halka garoonkan casriga ah uu taageerayaasha u dhaweynayo ciyaarta, iyagoo u jirsan doona 7 mitir kaliya gudaha garoonka.

“Waxa ay mataleysaa kacaanka dhinaca dhaqanka ee kubada Talyaaniga, iyo weli talaabo horumar leh oo hore loo qaaday” ayuu kabtanka u sheegay Sky Sport Italia.

Del Piero ayaa berri waxa uu garoonka cusub u noqon doonaa garoonkii afaraad ee 18kii sanno uu Juve ugu soo ciyaaray, Juve waxa ay soo isticmaashay Stadio Comunale, Delle Alpi, Olimpico iyo garoonka haatan.

Sida ay u badan tahay waxa ay noqon doontaa rikoor aan la jabin karin marka loo fiiriyo mustaqbalkeyga kubada cagta. Waa wax weyn oo xiiso leh inaan dhadhamiyo xamaasada afar garoon oo xusuus igu leh

Waxaa intaas ka sii weyn, ciyaartoyda waa weyn ee aan garoomadaas la galay, Waxaan u diyaarayay maaliyad gaar ah oo aan ku xusayo afartaasi garoon

Garoonka cusub ayaa waxaa laga garab dhisay garoonkii hor ee Stadio Delle Alpi

Xaflada lagu furayo garoonka cusub ayaa berri oo khamiis ah saacada afrikada bari marka ay tahay 5ta galabnimo bilaaban doonta, waxaana sii raacaya ciyaar saaxiibtinimo oo garoonka lagu furayo oo Juve ay la ciyaari doonto Notts County abaarihii 6:30 maqribnimo xilliga Somaliya