Fernando Torres

Weeraryahanka kooxda Sevilla Alvaro Negredo ayaa meesha ka saaray fekradaha oronaya in booska weeraryahanka Chelsea Fernando Torres ee xulka qaranka Spain uu halis ku jiro, isagoo aaminsan in xiddigii hor eee Liverpool inuu weli yahay mid ka mid ah hogaamiyayaasha xulka Spain.

Weeraryahankaasi 50ka milyan ku fadhiya ayaa laga saaray xulkii Spain ee habeenkii talaada, waxaana tababare Vicente Del Bosque uu ka doorbiday David Villa iyo Negredo inay afka hore ka ciyaarayaan, halka Pedro iyo Fernando Llorente ay ahaayeen kuwa keydka u fadhiyay.

Negredo ayaa ka faa’ideystay fursadii la siiyay waxaana uu dhaliyay labo gool kulankii ay 6-0 ku badiyeen. Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa shaaca ka

qaaday in Torres uu ku sugnaa qolka labiska islamarkaana uu ka xumaa in aan xitaa lagu soo darin ciyaartoyda kursiga keydka, lakiin waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Torres uu weli fure u yahay xulka Spain.

Waxa uu nagu soo booqday qolka labiska ka dib markii ay ciyaarta dhamaatay, waxaana uu iigu hambalyeeyay goolasheyda” ayuu Negredo u sheegay AS.

Ma doonayo inaan ka hadlo inuu careysnaa iyo in kale. Waxa ay ay aheyd tilmaam weyn inuu noo yimaado oo noo hambalyeeyo

Waan dareemi karaa sida uu uga xun yahay inuusan ciyaarin Marnaba ma ahan wax fiican inaad kooxda qaranka la safarto oo aadan hal daqiiqana ciyaarin. Lakiin waxa uu yahay saaxiib weyn, iyo mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda

Spain ayaa xaqiijisatay xalay ka qeyb galkeeda Euro 2012 waxaana ay ku biireen Poland, Ukraine, Germany, Italy iyo Netherlands oo ah kooxaha ilaa iyo haatan la xaqiijiyay inay sannadka danbe ciyaari doonaan