Josh McEachran

Ciyaaryahanada Josh McEachran iyo Romelu Lukaku ayaa loo ogolaan doonaa inay Chelsea amaah kaga tagaan bisha Janaayo hadii inta sannadkan ka dhiman aysan helin fursad ay ku ciyaaraan kulamo badan.

Tababaraha kooxda Stamford Bridge Andre Villas-Boas ayaa u texgeliya labada ciyaaryahan kuwa door muhim ah ku leh mustaqbalka kooxda Chelsea.

Lakiin waxa uu ka cabsi qabaa in dhibaato ay u keento hadii aysan xilli ciyaareedkan helin kubad joogta ah, sida ay qortay The Sun.

AVB ayaa u ogolaan doona labada ciyaaryahan oo 18 jirka ah inay ku biiraan kooxo ka ciyaara Premeir League sannadka cusub, hadii uusan siinin fursad fiican ka hor waqtigaas.

Tababaraha Wigan Roberto Martinez ayaa hore looga diiday xagaagan inuu amaah ku qaato Josh McEachran.

Halka amaahdii uu Romelu Lukaku ugu biiri lahaa kooxda Stoke xagaagan ay socon weysay ka dib markii la ogaaday in sharciga Premeir League uu diidayo in ciyaaryahan uu labo kooxood ku biiro hal xagaa oo isku mid ah.

McEachran iyo Lukaku ayaa la filayaa inay kursiga keydka soo fariistaan kulanka ay Chelsea sabtida ugu safreyso kooxda Sunderland.

Lakiin ciyaaryahanka laga soo bixiyay 20ka milyan ee Lukaku ayaan Chelsea u ciyaari karin Champions League, madaama aan lagu darin kooxda Champions League uga qeyb galeysa Chelsea.