Xulka Qaranka Argentina

Xulka Argentina si fudud ku dhaafay Nigeria kadib ciyaar xiiso badan oo labada dal ku dhexmartay Bangladesh

Tani waxey aheyd guushi 2-aad ee uu gaaro tababare Alejandro Sabella tan iyo markuu qabtay xilka tababarenimo ee horay uu u hayey Sergio Batista kaasoo la ceyriyey kadib markuu ku guuldareystay inuu Copa America meel wanaagsan kooxda gaarsiiyo maadaama ay koobka martigelinayeen.

Laacibka aduunka Lionel Messi oo dhawaantan loo magacaabay inuu noqonayo kabtanka cusub ee Argentina ayaa guushan gacan weyn ka geystay kadib markuu 2 ka mid ah goolasha abuuray.

 

Gonzalo Higuain ayaa furay goolasha kadib markii kubad uu ka helay Messi daba mariyey goolhayaha Nigeria daqiiqadii 25-aad, Angel Di Maria ayaa 2 daqiiqo kadib goolkii labaad u saxiixay dalkiisa taasoo ciyaarta ka dhigtay in lagu kala nasto 2-0.

Nigeria ayaa qeybti dambe dadaal badan sameysay ayagoo daqiiqadii 46-aad gool iska soo gudeen, Chinedu Obasi ayaa goolka rajada soo geliyey Nigeria saxiixay balse xulka ka socday qaarada afrika ayaa gool iska dhaliyeen taasoo meesha ka saartay rajadi ay ka lahaayeen iney ciyaarta bareejo ka dhigaan waxeyna ciyaartu ku soo idlaatay 3-1 oo Argentina ay guushu ku raacday.