David Luiz

Daafaca kooxda Chelsea David Luiz ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu faraxsan yahay in kooxda Blues ay soo xero geliso dhamaadkii suuqa kala iibsiga ciyaaryahan Raul Meireles.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa isaga naf ahaantiisa ku soo biiray Chelsea dhawaan, waxaana uu rumeysan yahay in Meireles uu saameyn weyn ku yeelan doono kooxda.

“Waxaan sameynay saxiix fiican, waxaana qabaa in Raul Meireles uu noo noqon doono ciyaaryahan weyn” ayuu daafacaasi u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan iska hor imaanay markii aan la ciyaareynay Portugal, waana adkeyd in la celiyo. Waxaana uu haatan sarre u qaadi doonaa qaab ciyaareedkeena garoonka”

“Maalin kasta waan sii fiicnaaneynaa, waxaana sharad ku galayaa inaan wax ku guuleysan doono xilli ciyaareedkan”

Meireles ayaa ku biiray koox ay joogaan ciyaartoy ku hadleysa afka Portuguese-ka  iyo shaqaale uu hor kacayo tababare Andre Villas-Boas.

“Waa ay fududahay marka tababaraha uu sidoo kale ku hadlayo luqadeyda” ayuu yiri David Luiz.

“Marka tababarka lagu jiro mararka qaar waxa uu  kula hadlaa Portuguese ciyaartoyda ku hadasha, waana ay sahlan tahay in la fahmo. Malaha waxaan u isticmaali doonaa qaacidooyin sir ah oo ciyaaraha la xiriira”

24 jirkaan oo 9 sanno kaliya u jira tababarihiisa, ayaa sheegay inuu hubo in Andre Villas-Boas uu guulo gaarsiin karo Chelsea.

“Villas-Boas waa uu u qalmaa inuu qabto Chelsea, waxaa iga dhaadhacsan inuu guulo ku gaarayo England”

“Tababare kasta waxa uu leeyahay qaab u gooni ah oo shaqo. Andre waa uu ka duwan yahay Ancelotti, waxaana rajeynayaa guulo ka badan kii xilli ciyaareedkii hore