Ballotelli

Madaxweyne ku xigeenka xiriirka kubadda taliyaaniga Demetrio Albertini ayaa uga digay Mario Balotelli in mustaqbalkiisa ay gacantiisa ku jirto isla markaana uu u baahanyahay inuu sidi qof weyn u dhaqmo

Weeraryahan xulka Italy iyo kooxda Manchester City ayaa dhowr jeer lagu eedeeyey akhlaaq xumo taasoo kaliftay in dhibaatooyin ay ka dhex-dhashaan asaga iyo kooxihii uu u soo ciyaarayey sanadihi u dambeeyey.

Bedel la filayey inuu ku soo galo ciyaarti xulkiisa Italy ay 1-0 uga badisay Foroe Islands isbuuci hore ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii la sheegay in Balotelli uu si caajis ku jiro uu u aalmiiteynayey ka hor inta aan bedelka la sameyn ayadoo weliba la arkayey asagoo
iPad ku isticmaalaya kursiga keydka.

” Waxaan inta badan isku daynaa sidi aan uga dhaadhicin laheyn Balotelli inuu yahay qof nasiib badan maadaama uu ka mid yahay ciyaaroyda tirada yar ee mustaqbalkooda go’aan ka gaari kara ”

” Ciyaariayahan leh tayada Balotelli oo kale waxaa wanaagsan in mararka qaar lala taliyo oo wax loo sheego balse muhiimada ugu weyn ayaa ah in la ogeysiiyo in mustaqbalkiisa uu gacantiisa ku jiro ”

” Waa ciyaariyahan da’ yar oo u baahan inuu qof weyn iska dhigo, si wanaagsanna u dhaqmo marki uu garoonka ku jiro iyo shaqsi ahaantiisaba, waqti fiican ayuu heystaa, waxaan dooneynaa inuu boqolkiiba boqol (100%) garab na siiyo, waxaana hubaa inuu sidaas sameyn doono ” ayuu yiri Albertini

Italy ayaa habeenka caawa ah garoonka Stadio Franchi ee magaalada Florence ku marti gelin doonta Slovenia waxaana hadii ay guuleystaan ay si rasmi ah ugu soo bixi doonaan koobka Euro 2012.