Ashley Young

Kulamo ka tirsan is reeb-reebka koobka qaramada qaaradda yurub ayaa caawa dhacay ayadoo xulalka ay ka midka yihiin Spain, Italy iyo Netherlands ay si rasmi ah u xaqiijiyeen booskooda ka qeyb qaadashada Euro 2012

Xulka uu hogaamiyo tababare Vicente Del Bosque ayaa caawa xaqiijiyey u soo bixitaankooda koobka qaramada yurub ee sanadka dambe ka furmi doona dalalka Poland iyo Ukraine.

Spain ayaa ku durdurisay Liechtenstein kadib markii 6-0 ay ugu awood sheegteen, Negredo iyo David Villa ayaa min 2 gool dhaliyey halka Sergio Ramos iyo Xavi Hernandez ay dhameystireen goolasha 6-da ah.

Spain ayaa hoggaanka u haya group I kadib marki 6-di kulan ay ciyaareen ay aruursadeen 18 dhibcood taasoo ka dhigan in kulamadooda oo dhan ay badiyeen ayagoo weliba 8 dhibcood ka sareeyaa kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Czech republic.

Dhanka kale Italy ayaa ka mid noqotay xulalka u soo baxay Euro 2012 kadib markii 1-0 ku dhaafeen Slovania ciyaar ka dhacday magaalada Florence ee dalka taliyaaniga, Giampaolo Pazzini ayaa goolka qura ee ay Italy la timid u saxiixay daqiiqadii 85-aad.

Xulka Netherlands ayaa guushi 8-aad oo isku xigta ka helay Group E taasoo u sahashay iney si fudud uga soo gudbaan is reeb-reebka, 2 gool oo ay kala dhaliyeen Luuk De Jong iyo Strootman ayey Netherlands uga badisay Finland.

Dhinaca kale England ayaa hal dhibic oo qura ay ka xigtaa u soo bixitaanka Euro 2012 kadib markii gool uu dhaliyey Ashley Young ay kaga awood roonaadeen Wales.

Xulka France oo koobkaan ku guuleystay sanadkii 2000 ayaa barbaro 0-0 ah la dhaafi waayey Romania, natiijadaas oo ah mid uusan tababare Blanc ku farxi dooni maadaama France ay hal dhibic oo kaliya ka horeyso Bosnia oo kaalinta 2-aad ku jirta.

Natiijooyinka kulamada caawa oo dhameystiran:

Group A:

Azerbaijan 3-2 Kazakhstan

Austria 0-0 Turkey

Group B:

Russia 0-0 Rep. Of Ireland

Macedonia 1-0 Andorra

Slovakia 0-4 Armenia

Group C:

Estonia 4-1 Northern Ireland

Serbia 3-1 Faroe Islands

Italy 1-0 Slovenia

Group D:

Bosnia 1-0 Belarus

Luxembourg 2-1 Albania

Romania 0-0 France

Group E:

Finland 0-2 Netherlands

Moldova 0-2 hungry

San Marino 0-5 Sweden

Group F:

Croatia 3-1 Israel

Latvia 1-1 Greece

Malta 1-1 Georgia

Group G:

Switzerland 3-1 Bulgaria

England 1-0 Wales

Group H:

Denmark 2-0 Norway

Iceland 1-0 Cyprus

Group I:

Scotland 1-0 Lithuania

Spain 6-0 Liechtenstein