Gudoomiyaha kooxda Arsenal Peter Hill-Wood ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in shaki uu ku jiro shaqada tababare Arsene Wenger ee kooxda Gunners

Ka dib lix sanno oo koob la’aan ah, Arsenal waxa ay ku bilaabatay bilowgi ugu xumaa ee taariikhdeeda oo ay ku jirto guuldarro 8-2 ah oo ka soo gaartay kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester United.

Asene Wenger

Waxaana taasi ay keentay in qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ay ka caroodaan, kuwasoo markii horeba ka careysnaa inay kooxda fasaxdo Cesc Fabregas iyo Samir Nasri

Lakiin Hill-Wood  ayaa sheegay in maamulka kooxda uu xitaa marna ka fekerin booska Wenger.

“Guud ahaan waa war qashin ah oo aan wax micno ah laheyn. Waxaan qabaa inuu faraxsan yahay, anagaana waa faraxsanahay” ayuu Hill-Wood u sheegay wargeyska Daily Star

Wenger ayaa soo iibiyay ciyaartoy cusub oo dhowr ah gabagabadii suuqa kala iibsiga, waxaana Hill-Wood uu rajo ka qabaa in ciyaartoydaas cusub ay kooxda saameyn ku yeeshaan

“Waxaan soo iibinay ciyaartoy cusub, inkastoo aan wax badan ka aqoonin iyaga, hadana hadii aan si guud u hadlo waxa ay horumarin doonaan kooxda” ayuu yiri

Hill-Wood ayaa sidoo kale u jawaabay madaxweyne ku xigeenka Barcelona josep Maria Bartomeu kaasoo sheegay dhawaan inay raqiis ku heleen Fabregas, waxaana uu Hil- Wood yiri:

“Waa uu saxan yahay- waxa ay ku heleen raqiis, Lakiin waxa uu rabay inuu halkaas ku laabto anagana waan ixtiraamnay go’aankiisa”