Mourinho & ferguson

Tababaraha kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa taageeray hab dhaqanka tababare Jose Mourinho ee marka uu ku dhex jiro xeyndaabka tababarayaasha isagoo ku tilmaamay in ay tahay taas mid ay dan ugu jirto kooxda.

Habdhaqanka tababarihii hore ee Chelsea ayaa waxaa ay ahayd mid saaran cinwaanada waaweyn dhowaan markii uu farta indhaha ka geliyey kaaliyaha tababaraha kooxda Barca Tito Vilanova ciyaartii kooxda Barca iyo Real ay ku kulmeen Spanish Supercopa.

Dad badan ayaa rumeysan in hab dhaqankii laga daawaday shaashadaha caalamka ee Mourinho in ay taasi ka dhigan tahay in uusan bedeli karin ruugcadaaga Ferguson marka uu booska tababaranimo ee kooxda Man United baneeyo.

Si kasta ha ahaatee Ferguson ayaa difaacay habdhaqanka Mourinho waxana uu sheegay in ay taasi xusuusineyso sida uu isaga laf ahaantiisa u dhaqmi jirey markii hore.

“Uma arko wax qalad ah hab dhaqankiisa ,” ayuu tababare Ferguson u sheegay  Corriere dello Sport.

“Marka aan dhalinyarada ahaa waxa aan ahaa nin dhaqdhaqaaq badan marka aan ku jiro xeyndaabka tababarayasha, mar walba wax baan tilmaami jirey dhinacyadana waan fiirfiirin jirey. ” ayuu yiri tababare  Ferguson.

Isagoo dib u soo xusuusanaya habeenkii kooxda FC Porto ay ku guuleysatay koobka championka sanadkii  2004 waxa uu Fergie yiri:

“Markii aan arkay Mourinho oo kor iyo hoos u boodboodaya waxaan is weydiiyey, ‘Anigana ma sidan baan ahaan jirey?’ dadku waxa ay garowsanayaan  geesinimadiisa, taageerayaasha waxa ay fahmayaan in uu iyaga iyo kooxdaba u  dagaalamayo”.