Mourinho

Wiilka uu dhalay laacibkii hore ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane oo lagu magacaabo Enzo ayaa markii ugu horeysey waxa uu tababar la qaatay ciyaartoyda waaweyn ee kooxda Real Madrid kadib markii uu macalinka Real Mourinho uu u ogolaaday in uu ka qeybgalo tababarkii kooxdu qaadanaysay talaadada.

Shabakada rasmiga ah ee warbaahinta u qaabilsan kooxda Real Madrid ayaa daabacday in Zidane Junior oo u ciyaara mid ka mid ah kooxaha dhalinyarada ee Real Madrid in uu tababar la qaatay ciyaartoy ay ka mid ahaayeen  Cristiano Ronaldo, Mesut Ozil iyo Kaka.

Zinedine Zidane oo xulka Faransiiska ka mid ahaa isla markaana hadda u ah naadiga Real Madrid agaasimaha Isboortiga ayaa dhinac taagnaa tababare Mourinho iyagoo daawanayay qaabka tababarka ay u qaadanayaan …………..

ciyaartoyda iyagoo tababarka ku qaadanayay  xarunta tababarka Los Blancos ee Valdebebas.

Enzo, oo ka ciyaara qadka dhexe ayaa aad ugu faraxsanaa tababarka uu la qaatay ciyaartoyda waaweyn isagoo tilmaamana ka dhagaysanayay macalinkii hore ee kooxda Inter balse hadda leyliya Real Madrid.

Zidane senior  ayaa u ciyaarayay kooxda  Real Madrid intii u dhexeysay 2001 iyo 2006 isagoo markaas ka soo wareegey kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ka dhisan.