Robinho

Ciyaaryahanka kooxda AC Milan Robinho ayaa aaminsan in ay ka badin karaan kooxda Barcelona marka ay geesaha is geliyaan labada kooxood talaadada soo socota kulan ka mid ah tartanka Horyaalka Yurub ama Championka iyagoo ku wada jira guruubka H.

Kooxda haysata horyaalka Talyaaniga ayaa u safraysa dalka Spain si ay u wajahaan kooxda haysata horyaalka Championka kana qaaday kkoobkan kooxda Manchester United iyagoo ugaga guuleystey garoonka  Wembley bishii May  3-1.

Si kasta ha ahaatee weeraryahankan reer Brazil horena ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid ayaa og waxa lagala kulmi karo ciyaaryahanada uu leyliy Pep Guardiola.

“Waxaan dhamaanteen rabnaa in aan tagno garoonka  Camp Nou si aan u wada ciyaarno waxana aniga aan rumeysnahay in Milan ay leedahay awood ay ku badin karto,”ayuu u sheegay  Robinho  Milan Channel.

Hase yeeshee Robinho ayaan ciyaarin kulankii saaxibtinimo ee Brazil ay la yeelatay xulka Ghana dhaawac awgiis. Balse waxa uu rumeysan yahay in ciyaaraha culus ay marka hore kooxdiisu dheesho,   ”Waxaa inoo wanaagsan in kooxdeenu ay ku bilaabato ciyaaro culus sida kulanka Barca intii koox fudud aan ku bilaaban lahayn.”
Milan ayaa jimcha waxa ay kulanka ugu horeeya e Serie Ada dalkeeda wada ciyaari doonaan kooxda Lazio kahor inta aysan usoo safrin Spain.