Samir Nasri

Kooxda Man City ayaa aad uga walaacsan jab la sheegay in uu ka soo gaaray mid ka mid ah faraha gacanta laacibka ay dhowaan soo iibsadeen isagoo u ciyaarayay xulka dalkiisa ciyaar ku tirsanayd is reebreebka tartanka Euro 2012.

Nasri  ayaa ciyaarta bedel ku soo galay iyadoo shan iyo toban daqiiqo ay ka dhiman tahay waqtigii ciyaarta loogu talogalay waxaana isa soo taraya wararka sheegaya waqtiga uu Nasri jabku soo gaaray. Warar laga helayo dalka Fransiiska ayaa sheegaya in ciyaaryahanka ay qiimeynayaan hadda taqaatiir kooxda Man City ka socota.

Ciyaaryahankan reer Fransa ayaa hal kulan oo kaliya u saftay kooxda Man City kadib markii ay kula soo wareegeen lacag gaareysa £25 million waxana kulanka uu u saftay kooxda uu dhowaan ku soo biirey  ay kaga baadiyeen kooxda Tottenham 5-1 isagoo saddex ka mid ah goolashaa uu baaskooda uu lahaa, hase yeeshee waxaa shaki uu ku jiraa sida uu SamirNasri uu ku ciyaari lahaa kulanka kooxdiisu ay dhowaan la yeelan doonto kooxda Wigan Sabtida soo socota.

Si kasta ha ahaatee haddii uu Nasri hal kulan ama ka badan uu u safan waayo kooxda Man City waxay taasi gacan siineysaa naadiyo badan oo ka dhisan Yurub oo ku doodaya in FIFA iyo UEFA ay yareeyaan tirada ciyaaraha caalamiga ah ee  wadamada ciyaaraan