David Beckham

Kooxda Tottenham ayaa doonaya in uu kula tartamo naadiga  QPR isku dayga ay ku dooneyso ciyaaryahanka ruugcadaaga ah ee David Beckham marka ay ka dhamaato heshiiska uu kula joogo kooxda LA Glaxy bisha November.

Madaxa kooxda QPR Tony Fernandes ayaa xaqiijiyey dhowaan in ay doonayaan inay lacago geliyaan  sidii ay u keeni lahaayeen xiddiga kooxda LA Glaxy 36jirkana ah galbeedka magaalada London.

Fernandes ayaa ku qoray boggiisa Twitter: “Waxaan filayaa in shaqsi sida  David oo kale ah inuu kooxda ku soo biiro ay tahay wax weyn taasina waa mida maskaxdeyda ku jirta.”

Hase ahaatee tababaraha kooxda  Spurs Harry Redknapp ayaa ah taageero weyn waxana uu Beckham keeni karaa inuu ka ciyaaro Europa league haddii ay kooxda Spurs ka soo gudubto is reebreebka .

Kabtankii hore ee xulka England ayaa aad u doonaya in uu u ciyaaro koox ka dhisan dalkiisa weliba sanadka 2012 oo lagu qabanayo Ingiriiska ciyaaraha Olombikada, inuu ka ciyaaro Premier League waxa ay  ka dhigi kartaa in uu noqdo mid loo xuli karo inuu ka mid noqdo xulka dalkiisa.

Beckham ayaa tababar la sameeyey kooxda Spurs jiilaalkii la soo dhaafay hase ahaatee inuu si amaah ah ugu dheelo waxaa diidey kooxda Glaxy oo uu heshiiska kula joogo.

Iyadoo kooxda Tottenham dhowaan ku bedeshay gooldhaliyaheedii dheeraa ee  Peter Crouch  Emmanuel Adebayor,ayuu tababare Redknapp doonayaa in uu helo shaqsi sida Beckham oo kale ah oo u soo dhiga kubaddo goolal uu ku dhaliyo.